QAAHIRA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta Dalka Masar wuxuu kaga qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Carabta.
Shirkaan oo ka dhacay Magaalada New Qaahira ee dalka Masar ayaa la soo sheegayaa inuu socon doono laba maalmood waxaana si gaar ah looga hadlayaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta
iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.
Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa lagu wadaa inuu Qahira kula kulmo Madaxda Dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeyntu kala dhaxayso Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyada ayaa lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto marka uu soo dhameysto safarka uu shaqada ugu maqan yahay dalka dibadiisa.
XAFIIASKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement