Kulan casho sharaf ah oo xalay ay soo agaasimeen Safiirada Soomaaliya iyo Jabuuti ee dalka Masar ayaa loogu sameeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalkaas, si ay uga qeyb galaan shirka 12aad ee madasha magaalooyinka adduunka (WUF12).
Kulanka casho sharafta ah waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, labada dhinac ayaan wax iska weydiiyay muhiimadda shirka iyo sida looga faa’iideysan karo.
Ra’iisul Waaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay madasha u mahadceliyay dadkii soo agaasimay, isagoo sidoo kale bogaadiyay shariifka Soomaaliya ee Masar shaqada culis ee uu haayo bulshada.
Advertisement