Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ka daahfuray Shirweynaha Madasha Hoggaaminta Wax ku-oolka ah ee bahda Caddaalada Dalka.

Madasha oo socon doonta mudo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qeygalaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee DFS Baashe Yusuf Axmed, Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Dastuurka ee DFS Xasan Macalin Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud Suleymaan Maxamed Maxamuud, Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Dastuurka Jubaland Bishaar Aadan Geeddi, wasiirada Caddaalada ee Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, Gudoomiyayaasha maxkamaddaha Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, xeer ilaaliyayaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, Taliyahaasha Ciidamada Asluubta ee heer Federaal iyo heer Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo masuuliyiin.

Advertisement

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la kobciyo tayada hay’adaha Caddaalada maadama ay yihiin saldhiga ugu muhiimsan ee Dowladnimada loona baahan yahay in heer Federaal iyo heer Dowladdaha xubnaha ka ah DFS ay si siman u noqdaan kuwo leh awoodahooda gaarka ah gaari karana go’aamo wax ku ool ah oo ku dhisan sharciga dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in dacwadaha ka jira dadka dhexdiisa ay go’aan ka gaari karaan hay’ado garsoor oo madaxbanaan isla markana aan qabin baahiyo saamayn kara go’aamada ay gaarayaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka xukunka iyo Caddaalada u baahan ay marar qaar isku dayayaan in la dadajiyo kiisaskooda taas oo sababi karta in musuq ay ka abuurto hay’adaha Caddaalada si gaar ahna maxkamaddaha si taas looga fogaadana loo baahan yahay in maxkaddaha ay si weyn u darsaan kiisaska ay go’aanka gaarayaan.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in madashan ay shacabka soomaaliyeed ka filayaan inay kasoo baxaan go’aamo wax tar leh oo wax weyn ka tara hay’adaha Caddaalada dalka shaqada ay u hayaan ummada Soomaaliyeed.
-DHAMMAAAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA JUBALAND.
May be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 5 people, table, lighting and daisMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 2 people, people studying, newsroom, dais and textMay be an image of 9 people, table, lighting, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, lighting and daisMay be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 4 people, table, lighting and daisMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais, newsroom and text
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 15 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 10 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here