Waxaa saaka Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ka mid ahaa kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulanka maanta ayaa ka mid ah kalfadhiga 5-aad gaar ahaana wuxuu ahaa kulankiisa 30-aad.

Advertisement

Xildhibaanada ayaa saaka cod u qaaday hindise sharciyeed hore miiska ugu saarnaa islamarkaana ay ka soo doodeen kaasoo ah Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegga iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Xildhibaanada ayaa goor dhaw oo saaka ah waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen hindise sharciyeedyadaasi Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegga iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Hindisahaan waxaa aqbalay 151-Xildhibaan ma jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba.

Shirka waxaa furey islamarkaana shir gudoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaasoo natiijadana ku dhawaaqay islamarkaana shirka soo xirey.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 6 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here