=XIGASHO BBC SOMALI=

sacuudiga

Advertisement

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay dhisto kow iyo toban garoon oo martigelinaya Koobka Adduunka sanadka 2034-ka. Mid ka mida garoomadaas ayaa la yaab leh, garoonkan ayaa laga dhisayaa joog dhulka ka sarreeya ilaa 350 mitir.

Garoonka ayaa la doonayaa in laga dhiso Nihom, oo ah magaalo aan weli la dhisin oo ku taalla waqooyi-galbeed ee dalka.

Wuxuu yeellan doonaa wiishash waaweyn oo lagu gaari doono kuwaas oo sidoo kale lagu kaari garoonka gawaari aan darawal lahayn.

Garoonkan ayaa qeyb ka ah mashruuca ‘The Line’ oo ah mashruuc lagu kordhinayo dhaqaalaha dalkaas si loo yareeyo dhaqaalihiisa ku tiirsan shidaalka, waxaa qorshuhu yahay in garoonkaas lagu qaban doono ciyaarta finalka ah.

Dalabka Sacuudiga ayaa ahaa mid aan wax tartan ah ku jirin, wuxuuna waddanku lahaa qorshe uu ku soo gudbinayo qorshayaashiisa ugu dambeyn bisha Oktoobar 2024-ka.

Sideed ka mid ah kow iyo tobanka garoon ee cusub ee Sacuudiga ayaa laga dhisi doonaa caasimadda dalkaasi ee Riyaad- oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee King Salman, kaasoo qaadi kara 92,760 oo daawadayaal ah.

koobka aduunka

Koobka Adduunka 2034 oo la filayo inuu Sacuudigu ku guulaysto marti galintiissa waxaa martigelin doona magaalooyinka Jeddah, Al-Kobar iyo Abha.

Iyadoo bisha Diseembar lagu wado in xiriirka kubadda cagta ee adduunka ee FIFA uu yeesho kulan gaara ayaa lagu go’aamin doonaa dalka marti galinaya koobka adduunka ee sanadka 2034-ta.

Boqortooyada shidaalka hodanka ku ah ee Sacuudiga ayaa loo saadaalinayaa inay ku guulaysan karaan marti galinta koobka kubadda cagta adduunka toban sano ka dib.

Maxaa loo baahan yahay si loo dhiso kaabayaashan?garoonka

Mashruucan hamiga leh oo lagu magacaabo The Line, ayaa loo dhisi doonaa magaalo aan baabuur lahayn, ballackeeduna yahay 200 mitir, dhererkeeduna yahay 170 km.

Si kastaba ha ahaatee, 2.4 km ee mashruuca ayaa si buuxda loo dhamaystiri doonaa sanadka 2030.

Mashruuca khadka ayaa ka dheer dhismaha Empire State Building iyo masaafada u dhaxaysa Bristol iyo London.

Dukumentiga tartanka cusub ee garoonka Nihom waxa uu sheegayaa in gabi ahaanba lagu shaqayn doono tamar la cusboonaysiin karo” sida dabaysha iyo ilaha cadceedda.

Garoon diyaaradeed cusub oo caalami ah ayaa loo qorsheeyay Nihom.

Sida ku cad dukumeentiga tartanka, marka la gaaro 2034, garoonku wuxuu martigelin doonaa 12 milyan oo booqasho gudaha iyo dibedda ah sanadkii.

Garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka marti galinaya koobka aduunka, waa la balaadhin doonaa dhammaantood.

Gegida dayuuradaha ee Riyadh ayaa la filayaa in 100 milyan oo rakaab ah ay sanadkiiba soo gaaraan.

Mashruuca Nihom, oo ah mid ay ku baxayso 500 oo bilyan oo dollar waa qayb ka mid ah istaraatijiyaddeeda Hiigsiga 2030 ee Sacuudi Carabiya taasoo ujeeddadeedu tahay in dhaqaalaha boqortooyada in kaliya uusan ku ekaan saliidda ee ay abuuraan mashaariic dhaqaale oo kale.

Garoonka diyaaradaha ee Abha ayaa lagu wadaa in uu ka koco 1.5 milyan oo rakaab ah ilaa sideed milyan oo rakaab ah inta uu socdo tartanka.

Sacuudiga ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu ballaariyo waddooyinka tareenada iyo waddooyinka.

Meesha laga dhisayo Nihom ayaa lagu tilmaamay inay tahay “sharaca maran” ee ugu habboon ee uu leeyahay hoggaamiyaha dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Laakiin in ka badan 6,000 oo qof ayaa loo raray mashruuca sida ay dawladdiisu sheegtay.

Waa mid ka mida mashaariicda ku suntan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ee ka mid ah qorshayaashiisa hiigsiga iyo siyaasaddiisa dalkaas uu ku hoggaaminayo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here