BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Ganacsatada Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ayaa fuliyay codsi hore uu ugu jeediyay Ugaaska Beesha Xawaale Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan kaasoo ahaa in Magaalada loo iibiyo gaari Dab-damis ah
Ganacsatada Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxay ka howlgeloyeen Magaalada gaari Dab-damis kaasoo durba isagoo maalma yaal ku guileystay inuu bakhtiijiyo goob dab ka kacay.
Ganacsatadaan waxay Dab-damiska ka soo iibiyeen dalka dibadiisa si ay bulshadooda ugu gacan siiyaan marka dab uu qabsado goobaha ganacsiga
Waa markii ugu horeysay oo Baladweyne uu ka ka howl-galay gaari nuuca loo yaqaan dab-damiska kaasoo magaaladu aad ugu baahneyd.
Mid ka mida ganacsatada ayaa u sheegay idaacada VOA-da in codsiga Ugaaska uu markiisii horaba ka dhashay dabkii hore u qabsaday diyaarad ku signed garoonka Ugaas Khaliif taasoo bes beeshay markii la waayay wax lagu bakhtiijiyo dabka.
Sidoo kale Ganacsadaha wuxuu intaasi ku daray suqa baladweyne uu hore dhowr mar dab uga kacay markaasoo sidoo kalana la waayay wax lagu damiyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM