Baraha bulshada waxaa saacidihii la soo dhaafay si xoog leh u qabsatay hadal-heynta bandhig faneed ay
Magaalada Muqdisho ku qaban lahaayeen laba hoobal oo dhowaan ka yimid Hargeysa.
Labadan fannaan oo lagu kala magacaabo Habboon iyo marwaan yare ayaa doonayay inay bandhig faneed ku qabtaan huteel ku yaalla xeebta Liido, balse waxaa ka dhalatay Caro xooggan ka dib markii qaar kamid ah dadka baraha bulshada saameynta ku lihi ay dalbadeen inay hooballadaasi ay raali-gelin ka bixiyaan hees buuq weyn dhalisay oo ay horraantii sanadkii la soo dhaafay ka soo muuqdeen.
Dalabkaas raali-gelinta ayaa keenay dood culus oo xoog u qabsatay baraha bulshada, taas oo dadka u kala qeybisay kuwo qabashada bandhiggaas diiddan iyo kuwo taageersan, sidoo xiisadda ka dhalatay arrintaas ayaa keentay in dhawaaqyo badan oo qabyaalad iyo kicin dadweyne ah laga maqlo qaar kamid ah adeegsatada baraha bulshada.
Haddaba ciidanka nabad-gelyada ayaa ugu dambeyn joojiyay bandhig faneedkaas buuqa iyo kala qaybsanaanta bulasho ee xooggan horseeday, lamana oga waxa xigi doona intaas, balse booliska Soomaaliya ayaa horay u sheegay inaan la oggolaan doonin fal kasta oo kicin dadweyne, qabyaalad, iyo anshax-xumo midkood keeni kara.