=XIGASHO BBC SOMALI=
Dhammaan shantii qof ee la socotay diyaarad xamuul ah oo ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho 5:44 daqiiqo xilliga geeska Afrika maalinkii sabtida, ayaa geeriyooday, sida uu BBC da u sheegay maamulka Garoonka DIyaaradaha ee Muqdisho.
Diyaarada oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo oo lagu sameeyo dalka Canada ayaa ka diwaangashneyd dalka Kenya. Diyaarada waxaa saarnaa labo duuliye, injineer iyo qof maamula xamuulka.
Agaasimaha hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da uga warramay sidii ay wax u dhaceen ka hor inta aysan diyaarada dhicin.
“Shantii iyo afartan iyo afar daqiiqo ayey aheyd oo maqribku soo dhawaa, hal matoor ayaa dayuurada ka damay inta aan ognahay oo aan diwaanka ku hayno markii ay ku soo dhaweyd Muqdisho, kaddib hawada ayey ka baxday”
Diyaarada ayaa subaxdi hore ee sabtiga ka duushay garoonka Muqdisho iyadoo u qaaday raashiin cidamada AU ee Soomaaliya ka shaqeeya ee hore loogu yaqaanay ATMIS. Diyaarada ayaa si nabad ah xamuulka ku geysay magaalada Dhoobley balse markii ay ka soo laabatay oo Muqdisho ay dooneysay in ay timaado ayey ku burburtay deeleedka dhinaca koonfureed ee magaalada.
Sida la sheegay diyaarada waxay ku dhacday dhul ciid ah oo bada u dhow oo aan dad joogin.
Agaamise Axmed Macallin Xasan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in markii ay waayeen diyaarada shan daqiiqo gudahood sida u qabo hab raaca lagu ogaaday in cilad ay jirto.
“15 daqiiqo gudaheed waxaan ku helnay in diyaarada ay ku dhacday meel 13 kilomiter u jirta garoonka Muqdisho dhinaca koonfurta ah xeebtana ku dhow”
Meydka shan qof ee diyaarada la socotay ayaa laga soo qaaday goobta ay diyaarada ku burburtay oo la keenay Muqdisho ka hor inta aan loo sii gudbin dalkooda.
Diyaarada oo aan ku dhicin meel dad badan joogaan iyo diyaarada oo aheyd mid xamuul ayaa yareysay khasaaraha nafeed.
Wararka qaar waxay sheegayaan gurmadka gaaray diyaarad in ay ugu tageen hal qof oo nool balse geeriyooday markii dambe.
Sabta keentay shilka diyaarada ayaa ilaa hadda la ogeyn. Agaasime Xasan waxa uu BBC-da u sheegay in ay socoto baaris la xiriirta waxa keenay Shilka.
“Waxa kaliya ee xaqiiqda sheegi karo waa qalabka xogta duubo ee diyaarada, inta aan ognahay waa duuliyaha waxa uu noo sheegay oo ah in hal matoor uu ka damay diyaarada, wixii intaas ka dheeri ah waxaan ku ogaan doonaa baaritaanka hadda socda”.
Baaritaanka ayaa la filayaa in uu qaato ugu badnaan hal sano balse waxaa la filayaa in uu degdeg u soo baxo mid horudhac ah.
Diyaarada ayaa la sheegay in maalmo ka hor dayactir lagu sameeyay oo aan lagu ogeyn wax cilad ah. Khubarada waxay qabaan in shilalka diyaaradaha ay keenaan diyaaradaha oo gaboobay iyo xaaladaha adag ee lagu shaqeynayo.
Diyaarada DHC-5D Buffalo waa nooc loogu talogalay in ay ku degto garoomada dhabahoodu yar yahay iyo meelaha ciriiriga, inta badan waxaa loo isticmaalaa in ay xamuulka geyso meelaha fog ee adag in la gaaro.
Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka ugu shilalka yar adduunka marka laga hadlayo shilalka diyaaradaha. Sanadkii la soo dhaafay ee 2024-kii wax shil ah kama dhicin.
Sanadkii 2022-kii bishii luuliyo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhacday diyaarad rakaab ah oo ka timid magaalda Badyaho.
2020-kiina diyaaradda ay leedahay shirkadda Sky Ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka Aadan Cadde.
Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 4 qof oo shaqaala ah islamarkana waxaa dhaawacyo soo gaareen labo ka mid ah shaqaalahaasi.
Dalalka Mareykanka, Ruushka, Canada, Brazil iyo Colmbia ayaa ka mid ah dalalka adduunka ee ay ka dhacaan shilaka diyaaradeed ee ugu badan.
=XIGASHO BBC SOMALI=