HomeWarkiiMuxuu muhiim u yahay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud oo ay al Shabab iyo...

Muxuu muhiim u yahay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud oo ay al Shabab iyo ciidanka dowladdu ku dagaalameen marar kala duwan?

=XIGASHO BBC SOMALI=ciidamada

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ciidamada dowladda federaalka oo ay wehliyaan kuwa deegaanka iyo kooxda al-Shabaab ku dhex maray deegaanka masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sida ay tabinayaan warbaahinta Muqdisho sababay in ururka Shabaab ay gacanta ku dhigeen xerada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid culus oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay weerar toos ah ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Macawisleyda ee ku sugan deegaankaasi.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo werinayaa waloow BBC-du aanay weli xaqiijin karin.

BBC du waxay xiriirro kala duwan la sameysay dowladdda Soomaaliya balse nooma suuragalin inaan helno.madaxweynaha

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan jiidda hore ee dagaalka gaar ahaanna magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhow halka uu maanta weerarku ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka wada abaabulka howl-galka ciribtirka al-Shabaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo halkaas kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka aya waxaa uu yiri: “Maanta cid iga danbeyso oo aad sugeysan maleh oo aniga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ah ayaa idinla jooga”.Cali Gaduud

Muhiimadda Masaajid Cali Gaduud

Deegaanka masaajid Cali Gaduud waxaa hoos taga deegaanno badan marka juqraafi ahaan loo eego, isla markaana muhiimad gaar ah u leh dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Labada dhinac, waa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo al-shabaab, ayaa u muuqda inay ku loolamaya gacan ku heyn magaaladaan.

Ha yeeshee gacan ku heynteeda ayaa adkaatay maadaama ay tahay magaalo u furan tuulooyin badan, isla markaana sida muuqata aanan lahayn difaac xooggan.

“Dowladda marka la eego, runtii dagaalka masaajidka Cali Gaduud dowladda muhiimad gaar ah uma siineso inay deegaankaas joogto, waxaadse moodaa inay tahay meel munaasab ah oo labada dhinac ay awooddooda ku soo bandhigayaan”, ayuu yiri Axmed Kaboole oo ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga.

“Dowladda waxay rabtaa inay firfircooni muujiso oo ay deegaankii gacanta ku heyso, laakiin aad moodid inay ka maqantahay ciidan joogto ah oo deegaanka difaaci kara iyo al-shabaab oo mar kasta ah koox guur guurta oo ay u fududahay inay magaalada soo galaan, shacabka dhibaateeyaan, ka dibna ka baxaan, taas oo saameyn ku yeelan karta wada-shaqeynta shacabka ah iyo dowladda”, ayuu intaa ku daray.

Kaboole waxaa uu sidoo kale sheegay, in ujeedka ugu weyn ee ay Shabaab ka leeyihiin deegaankaas Cali Gaduud, ay tahay inay dadka shacabka ah niyad jebiyaan isla markaana muujiyaan awooddooda deegaanada ay joogaan maadaama magaaladu aysan lahayn difaacyo adag oo ay dowladda wax ku difaaci karto.

“Magaaladan waa magaalo ay in badan maamulayeen al-Shabaab, marka heysashadooda waxay u fududeyneysaa inay ka abaabulaan weerarro dhanka Jowhar, Baladweyne iyo dhanka Galgaduudba maadaama intuba ay muhiim ugu tahay isku xirka Al-Shabaab” ayuu yiri.

Duqeymaha cirka iyo dagaalka lagula jiro al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u bilowday dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab oo hakad ku yimid muddooyinkii dambe.

Dagaalladii ugu adkaa ee u dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaanna deegaannada Ceel-baraf iyo ee deegaanka kale ee Daaru-nicma, halkaas oo al-Shabaab dib looga qabsaday mar kale.

Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsanayay kooxda.

“Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamaka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxa uuna ka dhacay Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose, waana sii wasdeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin.” Waxaa sidaa BBC uu dhowaan u sheegay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in duqeymaha lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa al-Shabaab.

Dalalka Soomaaliya ka caawiye duqemaha cirka ayuu sheegay wasiirku in ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka.

Duqeymuhu cirka waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badan oo Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxa iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah. Mareykanku duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxa uu qaybiyay laba nooc oo kala ah duqeymo qorsheysan iyo kuwa difaac ah.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -