Nairobi, January 15, 2025: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi kusoo gaba-gabeeyey shirka Guddiga Hagista mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (Somali Horn of Africa Infrastructure Intregration Project) SHIIP.
Shirka oo soconayey muddo saddex maalmood ah aya waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Maamul Goboleedyada, Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud DFS iyo Hawl wadeenada mashruuca SHIIP.
Shirka ayaa inta uu socday waxaa si qoto dheer looga dooday waxyaabihii u qabsoomay mashruuca sanadkii hore, Qorshaha sanadkan cusub iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa guud ahaan hawlaha shaqo ee mashruucaan ku saabsan daraasadaynta iyo naqshadaynta jidadka kaas oo qayb ka ah mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo soo xiray shirka ayaa bogaadiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen madaxda iyo hawl wadeenada mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (SHIIP).May be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 4 people and newsroomMay be an image of 4 people, people studying, table and textMay be an image of 6 people, suit and textMay be an image of 12 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here