Muqdisho, Talaado, 20 Agoosto 2024:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaama ayaa guddoomiyay shir ku saabsan Xasillinta Deegaannada Hirshabelle oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkan oo ku saabsanaa sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaannada Hirshabelle, ayaa lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee iska dulqaaday culeyska cadowga Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo sida uu sheegay ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa dhankiisa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 7 people, people studying, table and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 10 people, people studying, table and textMay be an image of 9 people, people studying, newsroom, dais and textMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 12 peopleMay be an image of 2 people and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here