Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, Xal u helida maareynta biyaha roobka iyo dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.May be an image of 3 people, dais and text that says "D/HOOSE EEXAMAR B/HOOSEELXAMAR EE"May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 3 people, beard, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person, studying and glassesMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here