Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira Wasaarado iyo Hey’addo Dowladdeed.
Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Hey’adda Ganacsiga Adduunka ee (WTO), oo dhaqaalaha Soomaaliyeed u abuuri kara fursad weyn oo kobac dhaqaale ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa xubnaha guddiga ee kulanka ka qeyb galay kula dardaarmay sidii ay u yeelan lahaayeen wada-shaqeyn dhow, si looga faa’iideysto fursadaha jira, maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururro waaweyn oo ganacsi iyo dhaqaale.May be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais and text that says "® G ( @ R 8 a"May be an image of 9 people, people studying and daisMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here