Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa kullan looga hadlayey xoojinta wada-shaqeynta Booliska iyo Maamulka gobolka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa la wadaagay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Booliska iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir, si kor loogu qaado amaanka Caasimadda ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa, waxaana uu ku bogaadiyey isbadalada amni ee Boolisku sameeyeen, waxaana uu balan qaaday in wada-shaqeyn joogta ah yeelanayaan si looga baaqsado dal daloolkasta oo ragaadin kara amniga guud ee dalka gaar ahaan kan Gobalka Banaadir.
Advertisement