Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo magaalada Baqdaad uga qayb galay xuska maalinta warbaahinta dalka Ciraaq.
Bagdaad 30 June 2024: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad sannadka markii uu ahaa 1869.
Wasiirka oo qeyb ka ah wufuudda Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Jaamacadda Carabta ee ka qeybgelaya xuskan ayaa tagay goobaha loogu dabaaldayay oo lagu soo bandhigay waxqabadka saxaafadda Ciraaq oo gobol walba si gaar ah u soo bandhigayay.
Xuska 155 guuradii maalinta Saxaafadda Ciraaq ayaa munaasabad heer qaran ah oo maanta la dhigay, ayaa waxaa horkacayey Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mudane Eng. Maxamed Shuyaac Al- Suudaani.May be an image of 11 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here