Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa daah-furay shirwaynaha Qaran ee dib u eegista Hirgalinta Balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Adduunka 2019.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo ka hadashay Shirweynaha ayaa sharaxday casharradii laga bartay iyo dib u eegista Balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Adduunka 2019, iyada oo ku dheeraatay sida hay’adda NCRI ay uga go’antahay ka mirodhalinta howlaha ku jiray ballanqaadyadaasi iyo horumarinta xaaladda barakaca.

Advertisement

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa Sheegay in dowladda Soomaaliya Madashii 2019 kadib ay wax badan ka qabatay xal u helidda iyo horumarinta barakacyaasha sidoo kale wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay sida hufan ee madaxda hay’adda Qaxootiga qaranku ugu adeegeen bulshada Soomaaliyeed.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here