Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shalay shir guddoomiyay kulan gaar ah oo uu marti ku ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Jodeph Ntakirutimana iyo xubno kale oo la socday.

Ugu horayn, Guddoomiye Timacadde oo fadhiga Golaha ku soo dhoweeyay Mudane Jodeph Ntakirutimana iyo xubnaha kale ee la socday, ayaa sheegay baahida ay Jamhuuriyadda Soomaaliya u qabtay ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika wuxuuna faahfaahiyay noocyada khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena iyo sida ay Soomaaliya horumarka Bulshada bariga Afrika gacan uga gaysan karto, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya xiriir shaqo oo mira-dhal ah la yeelan doono Golaha sharci dejinta Bariga Afrika.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Jodeph Ntakirutimana oo dhankiisa jeediyay Khubad dheer ayaa faah faahiyay ujeedada safarkiisa, qaab dhismeedka uu u dhisan yahay Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, hawlaha uu Baarlamaanku u xilsaaran yahay iyo in safarkiisa Soomaaliya uu ku doonayo xubnaha Soomaaliya uga midka noqon lahaa Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo gaaraya Sagaal Mudane oo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Ugu danbayn guddoomiye Timacadde oo kulanka gaarka ah soo xiray ayaa sheegay in ay dadajin doonaan soo magacaabista xubnaha Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna guddoomiye Timacadde guddoonsiiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika iyo xubnaha kale ee la socday billad sharaf iyo hadiyado kala oo ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
May be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 15 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here