GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland ayaa si weyn u beeniyay war shalay uu shaaciyay Wasiirka kaasoo ahaa in Dowlada Somalia 6 milyan Dolar siisay Maamulka Puntland .

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid dirir ayaa sheegay inay jirto lacagtaasi balse ay tahay mid ay ka dalbadeen bangida aduunka,wasiir caydiid wuxuu intaasi ku daray in lacagta kabka ah uu bixiyo Bangiga Adduunka islamarkaana Puntland xaq u leedahay.

Advertisement

“lacagta kabka ah ee uu Bangiga Adduunka bixiyo, Puntland iyada ayaa dalbatay oo codsiga dhiibatay, balse shuruudaha Bangiga aduunka waxaa ku jiro in lacagta marka hore ay soo marto bangiga dhexe ee dowladda Somalia,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid.

Sida warka Puntland ku cad lacagta bangiga aduunka ayaa siiyay balse waxaa loo soo marsiiyaa dhanka Dowlada,wuxuu diidan yahayna waa in Dowlada Somalia sheegato inay lacagta siisay Puntland.

Dhanka Dowlada Somalia waxaa warkeeda ku cadeyd inay ku wareejisay oo kaliya laakiin kuma jirin inay Dowladu jeebkeeda ka bixisay.

Beeninta Maamulka Puntland ayaa imaanaya xili Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya C/qafaar Xaange uu shalay shaaciyay inay qasnada Puntland ku shubeen 6 Milyan Dolar oo uu dalbaday Madaxweyne Saciid Dani.

“Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Faderaalka Soomaaliya waxay Dawladda Puntland ku wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayaa lagu yiri qoraalkii shalay uu soo saaray  wasiir ku xigeenka maaliyada Somalia  C/qafaar Xaange .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid dirir.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here