BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu ka soo horjeeday go’aankii Dowlada ee ahaa in Dowlada Itoobiya gabi ahaanba dalka Somalia ka baxdo madaama xirirka labada dal uusan wanaagsaneyn

Xasan C/qaadir oo ah wasiirka amniga K/galbeed ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ka hor yimid go’aanka Dowlada isagoo muujiyay in ka maamul ahaan ay wali u baahan yihiin Ciidamada Itoobiya inay ka caawiyaan amniga dhulka maamulkaasi.

Advertisement

Warka ka soo baxay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa daba socda warkii shalay uu shaaciyay La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Xasan ninka lagu magacaabo Xuseen Macalin kasoo ahaa in December ka hor ay dalbadeen inay  baxayaan Ciidamada Itoobiya ee magaca ATMIS.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka howlgala qaar ka mida Gobolada Dalka sida Bay  iyo Bakool oo ka tirsan maamulka Koonfur-Galbeed lamana oga in arintaani abuuri karto khilaaf soo kala dhex gala Dowlada iyo Maamulka K/galbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here