Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhinacyada Difaaca, Cilaaqaadka, Dalxiiska iyo Caafimaadka, waxaana MOU-gaan kala saxiixday wasaaradaha dowladda federaalka ee dhinacyadaas u xil-saaran iyo masuuliyiin sare oo ka socota dalka Tanzania, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji.

Wafdiga Tanzania ee saxiixa heshiiskaan Muqdisho u yimid waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dubedda Dalka Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo, waxaana qeyb ka ah Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Pindi Hazara, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr. Godwin Mollel iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Dowladda Tanzania, Saalim Haji Osman.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa goobjoog ahaa munaasabadda ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyadaan muhiimka u ah shucuubta iyo dowladaha labada dal.May be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and text that says "V (d d"May be an image of 10 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here