Dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowaan shaacisay in sanadka soo socda lacag u gaar ah ay samaysan doonto, ka dib markii la waayay lacag qaran oo hannaanka federaalka ee dalku qaatay la jaanqaadi karta sida uu sheegay madaxweynaha maamulkaasi.
Puntland ayaa sidoo kale horay dib u daabicis ugu samaysay lacagta shillin Soomaaliga ah, wuxuuna hadalka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee ah in maamulkiisu uu lacag u goonaya yeelanayaahi hadal-hayn weyn ka abuuray baraha bulshada iyo fagaareyaasha kale ee Soomaalidu ku kulanto.
Haddaba muxuu dastuurka dalku ka qabaa arrintan ?
Lacagtu waa mid kamida astaamaha ugu waaweyn ee muujinaya jiritaanka iyo madax-bannaanida dal, waxayna qaabaynteeda iyo wax ka badelkeedu saamayn ku leeyihiin nolosha dadweynaha iyo dhaqaalaha guud ee qaranka, taas oo qasab ka dhigaysa in lagu maamulo siyaasad guud oo mideysan.
Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya markii la eego lacagtu waxay ka mid tahay 4 qodob oo dowladda federaalku ay keligeed awood buuxda u leedahay, kuwaas oo kala ah amniga guud ee qaranka, socdaalka iyo Jinsiyadaha, siyaasadda arrimaha dibedda, iyo lacagta.
Haddaba in dowlad goboleedyadu ay lacago u gaar ah samaystaan ka sokow inay dastuurka dalka baalmarsantahay, haddana waxaa ka dhallan kara dhibaatooyin kale oo sicir bararku uu ugu horreeyo, kala dhantaalnaan hannaanka dhaqaale ee dalkuna ay ku xegto.
Dhanka kale yeelashada lacag midaysani inay astaamaha dowladnimo kamid tahay, markii laga soo tago waxay faa’iido u leedahay isku xirnaanta dhaqaalaha, iyo isku gudubka ganacsiga, waxayna ururrada gobollada sida midka iskaashiga dhaqaalaha bariga afrika ku dadaalayaan inay lacag midaysan yeeshaan, taas oo fududaynaysa iska dhaxgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaiya ayaa looga baahanyahay inay qaado tillaabo ay ku samaynayso lacag qaran oo loo dhanyahay, lana jaanqaadi karta siyaasadda dalka iyo hannaanka maaliyadeed ee casriga ah, maadaama lacagtii hore ay duugowday, islamarkaana inta badan gobollada dalka aan hadda laga adeegsan