MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Muxudiin Jururs oo ah Agaasimihii hore ee Canshuuraha Berriga ayaa goor dhaw ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ,wuxuuna ka soo degay garoonka diyaradaha Aadan Cadde.
Arin la yaab leh ayaa masuulkaani ku qabsatay garoonka markii Dowladu diiday in soo dhaweyn loo sameeyo xili ay garoonka diyaar ku ahaayeen Ra’iisulwasaarihii hore Cali Geedi,Saraakiil Ciidan iyo Odayaal kuwaasoo doonayay inay garoonka ku soo dhaweeyen.
Sidoo kale Dowladu waxay diiday in Muxdiin jurus uu tago qeybya VIP-da ee garoonka halkaasoo dadka masuuliyiinta iyo kuwa la sharfo ay ku nastaan marka ay diyaarada ka soo degaaan.
lama oga sababta Dowladu talaabadaan u qaaday xili Maxkamada Gobolka Banaadir ay wax danbi ah ku weysay Agaasimihii hore Cabshuuraha Bariga Muxudiin Jurus, waxaase lagu wadaa inuu saxaafada la hadlo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here