Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir-gudoomiyay kulanka gabagabaynta shirarka wafdi heer sare ah oo ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka, kuwaas oo la tashiyo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, iyadoo si gaar ah looga arrinsaday arrimaha mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya oo kow ay u tahay dib-u-howlgelinta taariikhiga ah ee xiriirka tooska ah ee Bangigu la yeelanayo Dowladda kadib gaaridii heshiiska Deyn Cafinta.
Shirka oo socday muddo Shan maalmood ah ayaa waxaa intiisa badan lagu gorfeeyay xiriirka wada shaqeyneed ee Bangiga iyo Soomaaliya, qorsheyaasha Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso si loo maalgaliyo, qaabeynta heshiiska wada-shaqeynta Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota iyo in la horumariyo Qorshaha Isbaddalka Qaranka (NTP) oo ah ka mid ah meelaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowaldda Soomaaliya.
Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waa mid ka mid ah saaxibada qiimaha gaarka ah ugu fadhiya Dowladda Soomaaliya oo hada xoojinaysa xiriirka Bangiga, si loo helo Mustaqbal u wanaagsan bulshada Soomaaliyeed oo ku dhisan horumarin, casriyayn iyo maalgalinta kaabayaadha dhaqaalaha dalka.








