JUBBA (DAYNIILE.COM)-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan ayaa ka hadlay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalkaasi K/sudan kaasoo lagu magacaabi jirey Sayid Cali-Caraaye Rabi ha u naxariistee.
MuwaadinkaAN Soomaaliyeed kooxo baangado hubeysnaa waxaana lagu aasay qabuuraha dadka Muslimiinmta ah lagu duugo.
Muwaadinka Soomaaliyeed waxaa dilay kooxo shalay dalkaasi ku dhigaayay banaanbaxyo rabshado wato kaasoo ahaa mid siyaasadeed oo dalkaasi ka jirey.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cali-Caraaye oo shalay jirey magaalada ay qabteen kuwa rabshadaha waday kadibna ay baangado la dhaceen ilaa nata ka baxday.
Si kastaba safiirka oo qabriga hadalo kooban ka jeediyay ayaa soo hadal qaaday rabshaha shalay ka jirey dalkaasi wuxuuna u duceeyay muwaadinka uu aaskiisa ka qeybgalay isagoona ugu duceeyay inuu Alle janadiisa ku irsaaqo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM