Madaxweynaha Maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal isagoona magacaabay mid cusub.

Hadaba wareegtada xilka qaadista ayaa sidan u qorneyd:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Muumin Muuse Ducaale;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid.
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here