HARGEYSA(DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay mar uu ka hadlayay xuska 26-ka June wuxuu ku celiyay inay ka go’antahay fulinta heshiis badeedkii ay bilowgii sanadkaan la galeen Dowlada Itoobiya.

Muuse Biixi wuxuu xusay in Somaliland iyo Itoobiya ay dhawaan isfahankii badda u badalayaan heshiis rasmi ah.

“heshiiskaani wuxuu inaga noo horseedi doonaa aqoonsi aan ka helno Itoobiya”ayuu yiri
Mar uu soo hadal qaaday Madaxweyne Xasan ayuu sheegay inuusan diidaneyn in Itoobiya heshiis badeed lala galo balse kaliya uu diidan yahay in Somaliland heshiis la gasho Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ayaa laftigiisu xafladii xalay 26-ka June wuxuu ka sheegay inuu Somaliland ka diiday oo kaliya inay dhul Qaran Soomaaliyeed bixiso balse uusan diidaneyn inay kheyraadkooda iyagoo ilaashanaya hadana ay ka faa’iideysaan.

Advertisement

Wuxuu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay dhulkooda iyo hantida ummada Soomaaliyeed ilaaliyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here