HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay natiijada doorshada looga guuleystay isagoona fariinna u diray Taageeryaasha xisbigiisa Kulmiye.
Muuse Biixi ugu horeyn wuxuu cadeeyay inuu aqbaay nariijasda doorashada uu ku soo baxay Madaxweynaha cusub ee Soamliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciiro.
“Waan Hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay C/raxmaan Cirro waxaanan u rajeynayaa horumar iyo barwaaqo ay Somaliland gaadho ” ayuu yiri Muuse Biixi oo 7 sano soo xukumay Somaliland
Mar uu fariinna u diray Taageeryaasha xisbigiisa Kulmiye ayuu ugu baaqay inaaneyn qaaan hadalada xun xun ee socila media-ha la wareejinayo isagoona ku adkeeyay inay gacmaha is wada qabsadaan reer Somaliland islamarkaana garab istaagaan madaxweynaha cusub si loo gaaro guushooda ah inay ictiraaf helaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM