HomeWarkiiMuuqaale Duube Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay dagaal ka dhacay Waajid+SAWIRRO

Muuqaale Duube Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay dagaal ka dhacay Waajid+SAWIRRO

WAAJID (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Muuqaal duubayaasha kooxda Alshabaab oo ahaa nin yar ayaa lagu qabtay dagaal ka dhacay Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool kadib weerar ay soo qaadeen kooxa.

Ciidamada Dowlada Somalia ayaa jilbaha u aastay inay iska difaacaan weerarka kaga yimid Alshabaab kuwaasoo qorshe weyn ka lahaa weerarka madaama ay soo wateen muuqaal duube balse ciidamada ayaa ka fashaliyay.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil yar oo muuqaal duube u ahaa kooxda Alshabaab isaga iyo qalabkiisii uu isticmaalayay,wuxuu ku jiraa gacanta ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa xooggga Guutada 9-aad qeybta 60-aad.

Warbaahinta ayaa loo soo bandhigay Camira-man-ka Alshabaab iyo qalabkii dagaalka looga furtay intaba.

Dhanka kale Cidamada amaanka Waajid waxay fashiliyeen qaraxyo miino oo alshabaab ku aaseen dhowr goobood sida nawaaxiga garoonka diyaaradaga Degmada Waajid.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 peopleMay be an image of 10 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments