GARBA-HAAREEY (DAYNIILE.COM)-Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Xildhibaan Cismaan Libaax oo maanta ka hadlayay kulan wadiga Dowladu la yeesheen maamulka iyo bulshada Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Geddo ayaa sheegay in Dowladu qorshaha qaranka ku dartay dhismaha buundooyinka.
Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in hadiiba dowladu qorshaha qaranka ku dartay mashruucaasi uu yahay aqbal ,wuxuu tilmaamay in sanadka 2025-ka la bilaabi doono dayactirka buundooyinka Gobolka Geddo.
“Qorshaha Qaranka ayaa lagu daray in kaabayaasha dhaqaalaha oo buundooyinka ay ku jiraan loo dhiso gobolkaan Gedo.” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax
Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wuxuu u sheegay reer Geddo in khllaaka Dowlada iyo Axmed Madoobe uu u fiican yahay reer Gedddo.
“fursadaan aan ka faa’iideysano , taasoo ah Axmed Madoobe haduu uu Dowlada la heshiin lahaa taasaa noo darneyd ,fursad ma heli lahayn, hada Axmed Madoobe iyo Dowlada waa kala tageen,wixii Jubaland Dowladu u wado halkaa toos loo keenayaa sida mashaariicda madaama Garbahaareey tahay magaalo madaxda labaad ama sedexaad ee Maamulka Jubaland”ayuu mar kale yiri Wasiir Cusmaan Libaax
Hadaba halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay TV-ga Qaranka:-
XAIISKA WARARKKA
DAYNIILE.COM