HomeWarkiiMustafa Dhuxulow oo shir gudoomiyay kulan ku saabsanaa xakameynta socdaalka sharci darrada...

Mustafa Dhuxulow oo shir gudoomiyay kulan ku saabsanaa xakameynta socdaalka sharci darrada ah+SAWIRRO

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay ka soo qeyb galeen Agaasimeyaasha Waaxyaha Jinsiyadda, Baarista, Xuduudaha, lataliyaasha, iyo madaxda xafiisyada iyadoo kulanka looga hadlay qiimeynta tayeynta baasaboorka Soomaaliga iyo xakameynta socdaalka sharci darrada ah.
Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa si gaar ah diiradda u saaray xakameynta socdaalka sharci darrada ah, isagoo faray waaxyaha ay quseyso inay si feejigan uga hortagaan tahriibka, waxa uuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay badbaadinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo in la xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo kuwa ka ganacsada tahriibinta dadka.
Agaasimaha Guud ayaa ka dhageystay warbixinnada masuuliyiinta ka kala socday waaxyaha iyo lataliyaasha, kuwaas oo ka hadlay caqabadaha taagan iyo baahiyaha lagama maarmaanka u ah tayeynta baasaboorka Soomaaliga iyo xakameynta socdaalka sharci darrada ah.May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 4 people, people studying and suitMay be an image of 4 people, people studying and newsroom
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -