Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pirkka Tapiola iyo Ku-xigeenkiisa, Marwo Elli Mikkola.

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland taageerada ay ku bixiso horumarinta kaabayaasha HSJ, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Advertisement

Danjiraha Finland Pirkka Tapiola ayaa balan qaaday in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Isaga oo intaas ku daray in Soomaaliya dhawaan ay imaanayaan wafdi ka socda Waaxda Socdaalka ee Finland si ay u sii xoojiyaan wada shaqeynta labada hay’adood.May be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people, newsroom and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here