Agaamiyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in dhibaato weyn ay tahay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku safraan Baasaboorka dalal kale sabab la xiriirta heerka uu joogo baasaboorkeenna.
Waxa uu tilmaamay in caqabadaha jira ee dhinaca helista Fiisaha ama dal ku galka ay sababtay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay qaataan Baasabarooro Dalal kale halka waddamadaan siiyay baasabaoorkoodana ay dhaqaale badan ka sameeyaan.
Dhuxulow ayaa sheegay in laga shaqeynayo sidii looga gudbi lahaa arrintaas si Ganacsatada Soomaaliyeed ay awood ugu yeeshaan ku safarta iyo wax kusoo iibsashada Baasaboorka Soomaaliya si Balaayiinta doollar ee faa’iidada ah loogu maalgeliyo Dalka.
“Ganacsatadeenna Fiisaha dhibaatada ka jirta Darteed ayay ku safraan Baasaboor Yurubiyaan, Kenyaan ama Itoobiyaan ah, bilyaniska ay soo xareeyaan ayaa lagu qoraa Dowlado kale” Mustaf Sh.Cali Dhuxulow Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya
Wax ka baddelka xogta Baasaboorka Soomaaliya ayuu sheegay in ay caqabad tahay, dhibaatooyinka kalsooni darrada abuura ay noqoto arrintaas, si wax looga baddelo sumcad darradaas la adkeeyay xog ka baddelkaas oo markii hore fududaa.