JIG-JIGA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha iIsmaamulka Soomaalida Itoobiya Mufta Cagjar ayaa ka adag  uga hadlay dad shacaba oo dhawaan kooxo hubeysani ku laayeen Degmada Wardheer ee Gobolka Doolo ee kilinka 5-aad.

Madaxweyne Mustaf Cag-jar wuxuu sheegay inay gacan bir ah kuqaban doonaan danbiilayaashi falka foosha xun kagaystay degmada Wardheer ee Gobolka Doolo.

Advertisement

Dilkaan oo ahaa mid aano qabiil salka ku hayay ayaa lagu laayay shalay subax lix ruux oo ahaa xer masjiid ku jirtay taasoo ka baxsan dhaqankii Soomaalida lagu yaqaanay.

Mustaf wuxuu xusay inay durba qabqabteen gacan ku dhiiglayaa kuwo kalana ay ku raad-joogaan,wuxuu intaasi ku daray in falka nuucaan aan la dhihi karin is qabqabsi qabiil madaama masaajid la weeraray islamarkaana ay tahay fal ugub ah oo aan hore loo arag.

lama yaqaan talaabada xigta uu qaadi doono Madaxweyne Mustaf Cag-jar xili labadaani beelood ee dadka iska dilaya ay colaadoodu socoto ku dhawaad sanad barkiis.

“falkaan laguma sheegi karo is qabqabsi qabiil,in masaajid la weeraro waa arin ugub ah oo u baahan in Dowlad iyo shacab ahaan si adag looga hor-tago,gacan ku dhiig-layaal baan qabanay kuwa kalana waa ku raad joognaa iyo cid kasta oo hurineysa colaada”ayuu yiri Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustaf Cag-jar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and text

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here