JIG-JIGA (DAYNIILE.COM)-Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar (Cag-jar) ayaa la soo sheegayaa inuu qaabilay
odayaasha beelaha Isaaq iyagoo ka shirey arimo ku saabsan dhibaatadii dhawaan ka dhacday deegaanka Dacawalay.
Gogosha oo uu dhigay Musta Cag-jar ayaa la iskukla gartay sidii aaney mar danbe u soo laaban dagaalada nuucaasi.
Sidoo kale waxay isla ogolaadeen sameynta gudiyo farsamo oo taabo-galiya geedi socodka nabadeed aagaasi colaadu ka dhacday.
Kulanka Madaxweyne Musta iyo odayaasha Beesha Isaaq ee rer Somalland waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wasiir kuxigenka waxbarashada DDS Maxamed Gure.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement