Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad hadana ah mushara u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulan siyaasadeysan wuxuu la yeeshay qaar ka mid aqoon-yahanada reer Gal-mudug.
Mahad Salaad wuxuu la fadhiistay Aqoonyahanada ama maamulada iyo barayaasha Jaamacadaha iyo iskuulada Galmudug.
Musharax Mahad Salaad wuxuu madaxda iyo macalimiinta Jaamacadaha iyo Iskuukada u ballan qaaday in uu xiriir joogta ah iyo wada shaqayn la yeelan doono ,isagoona ku amaanay inay waqti badan galiyeen garab istaagga dadkooda.
Madaaama kulanku ahaa mid siyaasadeysan oo kaambeynka qeyb ka ah guud ahaan maamulayasha iyo macalimiinta reer Galmudug ee uu la kulmay musharaxu waxay balanqaadeen inay taageersan yihiin musharaxnimadiisa islamarkana ay garab taagan yihiin.
XAFIISA WARARKA
DAYNIILE.COM













DAYNIILE.COM
Advertisement