HomeWarkiiMusharax Cabdi-Farax Shirdoon oo sharaxaad ka bixiyay qodobadii uu kala hadlay Madaxda...

Musharax Cabdi-Farax Shirdoon oo sharaxaad ka bixiyay qodobadii uu kala hadlay Madaxda sare ee Dalka

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi-Faarax Shirdoon Saacid ahna musharax madaxweyne oo dhawaan Muqdisho soo gaaray ayaa shalay kulan kla yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharax Cabdi-Faarax Shirdoon wuxuu sheegay inuu dhowr qodob uu kala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha sida doorashooyinka iyo amniga.

Ra’iisulwasaarihii hore ayaa bartiisa facebook wuxuu soo dhigay qoraal uu ugu horeyn ugu mahadcelinaayo casuumaada uu ka helay madaxda sare ee dalka sidoo kalana wuxuu ku sharaxay qodobadii uu kala hadlay sidan ayuuna u qornaa:-

WAR-SAXAAFADEED
Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad ahna Musharrax Madaxweyne, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxa uu ka mahadcelinayaa casuumaaddii ay u fidiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Kulamadaas, Musharrax Madaxweyne Saacid waxa uu madaxda qaranka u soo jeediyey sida ay muhiim u yihiin:
1: In arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan;
2: In si gaar ah arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka lagu saleeyo wadar ogol;
3: In ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada dalka aafeysay, loona sameeyo dib-u-habeyn iyo dhiirrigelin ciidamada Qaranka.
DHAMMAAD
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -