KISMAAYO (DAYNIILE.COOM)- Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhaw oo barqanimadii maanta ah in Hotel lagu weeraray musharax Ilyaas Gaboose kaasoo qorshuhu ahaa inuu Axmed Madoobe kula loolamo xilka Madaxweynaha Maamulka Jubaland.
Cidiamo Boolis ah oo si gaar ah uga amar qaata Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la soo sheegayaa inay musharaxa weerar ku qaadeen lamana oga ujeedka weerarkaani ka danbeeya.
Musharax Ilyaas oo dhanka kalana ka mida sanatarada Soomaaliya ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarka lagu qaaday uu ku dhintay darwalkiisa gaariga ku kaxeeya sida wararka qaar ee horudhaca ah ay sheegayaan.
Warar kale ayaa sheegaya in ilaalada Sanatar musharax Ilyaas Gaboose ay dileen qaar ka mida ciidamadii Axmed Madoobe ee isaga weerarka ku qaaday inkastoo wali cadeyma rasmiya aan laga helin wararkaan Kismaayo ka imaanaya oo baraha bulshada qabsaday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement