MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu qabtay munaasabad weyn oo lagu xusayay ama lagu weyneynaayay dhalashada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Caleyhi wasalam.

Isu soo bax balaaran ayay sameeyeen dariiqada suufiyada ,waxaana ka soo qeybgaley xuskaam  kumanaan kun oo ad ah kuwaasoo isugu jirey Culumaa’udiin,dhalinyaro rag iyo dumar isugu jirey iyo masuuliyiin Dowlada ka socday.

Advertisement

Fagaaraha Daljirja dahsoon ayaa la isugu yimid halkaasoo culumadu hadalo ka jeediyeen ku saabsan dhalashada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Caleyhi wasalam.

Sheekh Soomoow iyo Sheekh Axmed C/llaahi ayaa ka mid ahaa culumadii fagaaraha ka hadashay,Sh.Somow wuxuu sheegay in Ibliis uu ka naxay maalintii uu dhashay Nabigeena NNKH madaama uu yahay Kheyru qalqi-llaah.

Sheekh Axmed C/llaahi waxaa isna hadaladiisa la mid ahaa in Cumar Bin Khadaab uu jideeyay in taraawiixda jameeco lagu tukado saas ay tahayna uusan rasuulku ogeyn oo xiligaas uusan nooleyn,sidaas daraadeed wax kasta oo Nabiga gadaashis ah ayuu shiikhu sheegay inaan bidco la dhihi karin.

sanad kasta bisha mowliid dunida oo dhan gaar ahaan dunida Islaamka  waxaa lagu qabtaa munaasabado lagu xusayo dhalashadii Babi Muxamed Sallaahu Caleyhi wasalam

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here