MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo saaka ah Magaalada Muqdisho laga daah-furey Mashruuc ay Dowlada Qatar maalgelineyso kaasoo lagu ka-faala qaaday carruur Soomaaliyeed oo agoonta ah.

Advertisement

Xukuumada Somalia iyo Safaarada Turkey ayaa mashruucaan daah-furey waxaana ka soo qeybgalay xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo madaxa Hay’ada SoDMA.

Mashruucaan waxaa si gaar ah wada-jir u daah-furey

VV

Wasiir dowlaha arrimaha gudaha Xukuumada Saadaad Caliyow , Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Xukuumada Somalia Cismsan Libaax,sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ,Safiirka Dalka Qatar u jooga Soomaaliya Dr Abdalla Bin saalim Al- nucaymi.
Taakuleynta Caruurta Agoonta ah ee Dowlada Qatar ay balan qaaday waxaa fulinaya Hay’adda Qatar Charity, iyadoo sidaas oo kalana ay Hay’ada  SoDMA kormeeri doonto fulinta mashruucaan.

Qorshaha Dowlada Qatar ayaa ah in carruurta agoonta goobaha lagu xanaaneeyo la gaarsiiyo shixnado gargaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka si loogu quudiyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 7 peopleMay be an image of textMay be an image of 4 people and textMay be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here