MUQDISHO (DAYNIILER.COM)-Waxaa Caawa Muqdisho laga dareemayaa soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo beri la filayo inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho waxaa caawa lagu arkayaa sawirada Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh iyo Sidoo kale Calamada labada dal.

Advertisement

Imaanshaha Abiy Axmed ee Muqdisho ayaa daba socota safarkii Madaxweyne Xasan ku tagay Adis-ababa kuwaasoo dhamantood daba socda fulinta heshiiskii Ankara ay ku gaareen labada Masuul.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka qaar caawaba la soo xirey oo dadka uun loo ogol yahay inay maraan wadada balse baabuurta loo diiday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here