MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goordhaw oo barqadaan ah Muqdisho ka furmay Shirweynaha Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, shirkadaha dalxiiska iyo marti kale.

Agaasimaha Dalxiiska Wasaaradda Warfaafinta Cali Cabdullaahi Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada bandhigaan iyo waxa lagu soo bandhigaayo intaba.

Advertisement

Ugu horeyn Cali Cabdullaahi Axmed  wuxuu sheegay in maanta oo kaliya uu bandhigani socon doono halka sanadihii hore dhowr maalin la wadi jirey bandhiga dalxiiska Somalia

“sanadkiiba mar baan qabanaa waxaana ka soo qeybgalaya shirkadaha dalka ka shaqeysta iyo masuuliyiinta Dowlada,wuxuu xusay in ganacsatadu soo soo gudbin doonaan bandhigyadooda dalxiiska ku haboon”ayuu yiri Agaasimaha Dalxiiska

Masuulkaani wuxuu tilmaamay inay jiri doonaan inta bandhigu socodo bakhtiyaa-nasiib dadku ku guuleysan karaan cumrada,xajka,dalxiisyada dibada iyo kan gudaha intaba.

“maanta waxaa maalinta dalxiiska Somalia lagu soo bandhigi doono carwo bandhig dalxisieed ,agabyada dalsxiiska lagu soo bandhigi doono, sidoo kale shirkadaha ka shaqeysta dalxisika ay soo bandhigayaan “ayu mar kale yiri Agaasimaha Dalxiiska

Sidoo kale waxaa saxaafada la hadashay Agaasimaha goobaha Dalxiiska Wasaaradda Warfaafinta Sahra Suleymaan taasoo sheegtay inay Somalia soo jiidan karto dalxiisayaasha caalamka marka dalkaan aan quruxsano.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa sheegay inay waqti badan galiyeen soo noolaynta dalxiiska Dalka.

Ganacsade Ahmed Village  ayaa ugu baaqa ganacsatada Soomaaliyeed inay dalkooda maalgashadaan oo quruxdiisa ay ka shaqeeyaan

“waxaa diyaar u nahay inaan maalgalino Goobaha dalkiiska, si aanu usoo jiidano Dalxiisayaasha Caalamka”ayuu yiri Ibraahim Dhuunkaal oo ka tirsan Dahabshiil Group.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 2 people, speaker and textMay be an image of 7 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and people playing basketballMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 4 people, suit and newsroomMay be an image of 9 people, dais, newsroom and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here