Garoowe: 28 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xalay
































Qasriga Madaxtooyada kaga qeybagalay munaasabad Casho sharaf ah oo lagu soo dhoweeyay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Marti sharaf kale oo ay ka mid tahay Fanaanada Soomaaliyeed Hibo Nuura.
– DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Advertisement