Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay labada hindise sharciyeed, waxaana ogolaatay labada hindise meel marintooda midkiiba 141, Xildhibaan iyo 142 xildhibaan, iyadoo tirada guud ee fadhiga soo xaadirtay ahayeen 143 Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Kulanka shir guddoominaayay ayaa ku dhawaaqay ansaxnimada labada hindise sharciyadeed.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay sharciyada ay maanta meel mariyeen.
“Waxaa si weyn ugu mahad celinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee sida sharafka leh u meel mariyay sharuucdaan muhiimadda weyn u leh qaranka, waxa sidoo kale u mahad celinaya guddiga maaliyada ee shaqad weyn kasoo qabtay sharuucdaan, wax ka bedelka sharciga hay’adaha maaliyadda wuxuu xoojinayo hanaanka maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada” ayuu yiri Wasiir Biixi Imaan Cige.
Wasiir Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in ansixinta wax ka bedelkaan uu keeno doono iney kor u qaado awoodda dowladda ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo amniga Soomaaliya.