Qaar ka mid ah ama inta badan siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa shalay kulan la qaateen Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Richard H. Riley.
Siyaasiyiinta iyo Safiirka waxay ka wada hadleen halka ay mareyso qorshaha doorashada xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed madaama siyaasiyiintaani doonayaan inay kula loolamaan Madaxtinimada Madaxweynaha hada jooga ee C/casiis lafta-gareen.
Inkastoo faah-faahin buuxda aan laga helin waxyaabaha ay isla garteen hadana wuxuu kulankaani ku soo aadayaa xili xiisad siyaasadeed uu u dhexeeyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed C/casiis Lafta-gareen Madaxda sare ee Dowlada Somalia.
Shakiga jira ayaa ah in C/casiis Lafta-gareen uu doonayo inuu qabto doorasho ku shubasho ah si uu kursiga mar kale u qabto.
Sidoo kale Dowlada Somalia waxay dooneysaa doorashada in markaan laga dhigo mid dadweynuhu codeyaan iyaduna dhex dhexaad ka noqoto halka Lafta-gareena uu doonayo sida la tuhmayo doorasho dad-ban inuu qabto.
Dhanka kale Danjiraha Mareykanka Richard Riley ayaa sheegay in Mareykanka uu taageerayo doorasho loo dhan yahay oo xor iyo xalaal, islamarkaana madaxda hada xilka heysa ay dhageysato aragtida mucaaradka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here