Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib isku abaabulay, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Laftagareen.

Kulan xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid inta badan xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xildhibaannada labada gole ee laga soo doorto deegaannada maamulkaasi, waxayna ka wada-hadleen arrimaha soo kordhay.

Advertisement

Waxaa shirkan sidoo kale kasoo muuqday musharixiinta ku bahoobay Madasha Maanshiil oo ay ku jiraan siyaasiin caan ah, sida madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo masuuliyiin kale.

Inta badan xubnaha ka qayb-galay shirka ayaa diiradda saaray xaaladda sii cakirmeysay ee maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka horyimaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Laftagareen.

Ugu horreyn warsaxaafadeed ay soo saareen mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa wax laga xumaado waxa ay ku tilmaameen in dowladda Soomaaliya ay indhaha ka qabsatay xaaladda ka taagan maamulka iyo falal gurracan oo ay tilmaameen in madaxweynaha maamulkaasi uu kula dhaqaaqay shacabka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Masuuliyiintaan ayaa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay in Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed uu sii shaqeeyo, isaga oo uu ka dhamaaday muddo xileedkii, isla markaana uu ku howlan yahay doorasho cusub.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu diiday dhammaan tallaabooyinka uu qaatay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, iyaga oo sheegay inay baal marsan yihiin shuruucda dalka.

Waxa kale oo xubnahan ay ku ballameen shirar kale oo loo dhan yahay, ayna ka soo qayb-galayaan dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo Koonfur Galbeed, si looga arrinsado xaaladda adag ee kasoo korortay deegaannada maamulkaasi.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here