Mowqifka Soomaaliya ee MoU-dii Ethiopia ee 1-da January ee sannadkan 2024 waa sidiisii.
Ma jiraan wax iska beddelay.
Advertisement
Waxaan maqlayaa Dowladda Ethiopia iyada oo og mowqifka Soomaaliya in ay haddana ka codsatay in Dowladda Turkigu ay kulansiiyo Hoggaamiyayaasha labada dal.
Fadhigaas oo laga yaabo in uu maanta ku qabsoomo dalka Turkiga, waxay rajadu tahay in uu soo afjaro xadgudubkii Ethiopia ee wadajirka dhuleed iyo Madaxbannaanida Soomaaliya, si loo billaabo in la dhayo dhaawacyada gaaray kalsoonidii iyo iskaashigii derisnimo ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Haddii Madaxweynaya iyo wafdigiisu ay taas ku guuleystaan waxaa mustaqbalka loo gudbi karaa wadashaqeyn iyo iskaashi mar kale ka curta Geeska Afrika.
WAXAA QOREY YUUSUF GARAAD
Advertisement