Qore: Yahya Amir
Miliqa iyo Madaxda Somalida
A). Madaxda Kaaliyayaashoodu waxa ay Tusaan wax miliqsan, waxa ayna ugu sheegaan in ay Arrintu toosan tahay. ( F.S:1aad)
B). Madaxda Kaaliyayaashoodu waxa ay maqashiiyaan wax miliqsan, waxa ayna ugu sheegaan in ay Saxan yihiin.( F.S:2aad)
C). Kadibna madaxda laftoodu waxa ay u fikiraan si milqsan.(F.S:3aad)
Miliqaa waxaa ka dhalan karo 26miliq.
1. In Gudoomiye Maamul Gobaleed uu Madaxweyne Qaran Amar sharicya ka diido.
2. In Wasiirku ka baqo wasiiru Dowle.
3. in Taliye Unug uu amar siiyo Taliye Urur
4. In Qunsulku uu u handado Safiirka.
5. In Gudoomiye Maxkamadeed uu Go’aankiisa ku saleeyo, Lacag ku jirto Dhibane Jeebkii.
6. In Agaasime guud uu Xilka ka qaado wasiir.
7. In la taliye uu Qof u magacaabo Xil sare.
8. In Xildhibaan uu ka dhuunto Doodii Dastuurka.
9. In Ganacsade uu Go’aamiyo, Qorshana Qaranka.
10. In Haweenka Raggu matalo, Raggiina Haweenku Matalo.
11. In Somali Sujuu, Shaqooyinka qaar loo xiro.
12. In Qurba joogto, ka Xaq badiso Qorax joogta.
13. In Culimadda ay matalaan, Kuwa Madaxda maaweeliyo.
14. In madaxda Maamul gobaleedyadu ka Awood badiyaan Xildhibaanadii Qaranka.
15. In Macallinku ka baqo Ardayga.
16. In Ciidanka Dowladda hoose iyo Ciidanka wadooyinmu Hub Culus Sitaan.
17. in Taqtarkii Tabakaayo furtay, Kalkaalisadiina ay Hageeyso.
18. In maareeyaha Xogheyntiisu, Talada siiso.
19. In Suuqyada Sun lagu gado.
20. In Nabadsugudu ay Dadka ugu faanto Darajadeeda, intii Xirfad ahaan uu ahaan lahaa Qof aynan Bulshadu aqoon.
21. In Canshuurta Kordhinteeda lagu go’aamiyo Mafrash lagu qayilaa.
22. In la arko Masuul, Amxaaro madiidin u ah.
23. In shacabka Shar iyo khayr la isagu milqiyo.
24. In Dalka oo la kala gooyo aynan Dambi noqon.
25. In Bajaajku Baladka Biisho, Ardaygii Bachelor watana Baagamuudo yahay.
26. In Xildhibaan Duureedku Xasaanad yeeahy.
Ar Madaxda Miliqa ha laga dhaafo, iyagaanba Miliqa ka maqneynye.
Qore: Yahya Amir