BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Milateriga  Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa Gobolka Bay waxay ka wadaan howl-galo ka dhan ah Alshabaab taasoo horana dalka intiisa badan uga socotay.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah wuxuu uga socdaa deegaannada dhaca Waqooyiga Gobolka Baay sida waddooyinka isku xira Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
Dhame Axmed Macalin C/xmaan (Axmed dheere) oo ah Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hadlay howlgalkaani,wuxuuna sheegay in guulo ka gaareen howlgalka Alshabaab ka dhanka ah.

“mudadii ciidanku wadeen howlagalka qorsheysan waxay cagta ku mariyeen goobo ay Khawaarijtu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee ku safra waddooyinkaas”ayuu yiri Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people, tree and grassMay be an image of 7 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here