Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa shalay si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada Khawaarijta.
Howlgalkaasi oo si gaar ah loo abaabulay ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, G/le Xasan Cali Sanwayne.
Taliyaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta ee deegaankaasi isku uruursanayay, islamarkaana la burburiyay saldhigyo istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen Daynuunay.
Taliyaha Guutada 8-aad ayaa carabka ku adkeeyay in deegaanka Daynuunay uu muhiim u yahay howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, isagoo sheegay in la naafeeyay awooddii cadowga, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Sidoo kale, Taliye Xasan Cali Sanwayne ayaa shacabka ku dhaqan Daynuunay ugu baaqay in ay si buuxda ula shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amniga deegaanka, loogana hortago khatar kasta oo ay horseedi karaan kooxaha nabad-diidka ah.
