Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Gaar ahaan ururka 251-aad Iyo 252-aad ayaa howlgalo sifayn ah ka sameeyey inta u dhexeysa daegmooyinka Balcad iyo jowhar ee gobolka shabeellada dhexe Waxayna ciidamada gudaha ay Galeen tuulooyinka yaaqle shanlow iyo dhagaxow oo Gabaad uaheed maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta.

Barta ay howlgalka ka fuliyeen geesiyaasheenna ayaa ahayd goobo ay khawaarijtu horray ugu dhibaatayn jireen shacabka ku dhqan deegaanadaas iyo shacabka adeegsada gaadiidka safarka ah ee ukala goosha degmooyinka iyo deegaanada gobolka shabeellada dhexe .

Taliyaha ururka 252-aad L/Xle Farxaan Rubaaan oo hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaaihinta ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay ineey wadaan baacsiga firxadkii maleeshiyaadkii khawaarijta ee dhibaatada ku haayay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here